Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha kooxda Liverpool ee Arne Slot ayaa uga digay kooxaha Premier League Iyo waliba yurub kooxdiisa isaga oo sheegay in ay kooxdiisu ka sii fiicnaan doonto sida ay haatan tahay.
Liverpool ayaa 4/0 ku garaacday Tottenham waxana ay iska xaadirisay Final-ka tartanka Carabao Cup-ka.
Kooxda Merseyside-ka ayaa noqon doonta kooxda ugu cadcad bandhiga soo socda ee ay wajahayaan Newcastle United sidoo kale waxa ay wali ku tartamayaan premier League, champions League Iyo FA Cup-ka.
Laakiin Slot ayaa sheegaya in ay kooxdiisu wali ka sii fiicnaan doonto sida ay haatan tahay.