Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Meydka ugu yaraan 29 tahriibayaal ah ayaa laga helay laba goobood oo kala duwan oo ku yaal dalka Liibiya.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah meydadkaas laga helay xabaal wadareed ku taalla meel beer ah, waxaana la tuhun san yahay in dilalkan ay geysteen magafayaashii heystay dadkan.
Hay’adda Bisha Cas ee Libya ayaa sheegtay inay soo saartay Meydadka Toban Tahriibayaal ah, kaddib markii doonidii ay la socdeen ku degtay meel u dhow magaalada Zawiya oo u dhow magaalada Tripoli.