Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa si adag u dhaleeceeyay qorshaha uu soo jeediyay Madaxweyne Donald Trump ee ah in Mareykanka la wareego Marinka Gaza isla markaana Falastiiniyiinta lagu daabulo dalal kale.
“Tani waa arrin aan la aqbali karin,” ayuu yiri Hakan Fidan, mar uu la hadlayay wakaaladda wararka ee Anadolu.
Wuxuu intaas ku daray in barakicinta Falastiiniyiinta ee Gaza ay tahay arrin “anaga iyo gobolka toona aan la qaadan karin.” “Xitaa in laga doodo waa khalad,” ayuu raaciyay.
Si kastaba ha ahaatee, Trump ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sida uu qorshuhu u saameyn doono in ka badan laba milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza