Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadi shalay soo jeediyay in Mareykanka inuu “la wareego” marinka Gaza, isla markaana shacabka Gaza dib u dajin loogu raro meel ka baxsan marinka.
Trump ayaa hadalkaan ka jeediyay xilli uu Aqalka Cad shalay ku martigeliyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo noqday hogaamiyihi u horreeyay oo Ajnabi ahi oo uu Trump ku casuumo Washington tan iyo mmarki uu dib ugu soo laabtay xafiiska muddo xileedkiisa labaad.
Trump ayaa sidoo kale laba jibaaray baaqiisii ahaa in Falastiiniyiinta ay ka guuraan dhulka uu dagaalku ka socdo, una gudbaan dalalka Bariga Dhexe, sida Masar iyo Urdun, inkastoo Falastiiniyiinta iyo labada waddanba ay si cad u diideen soo jeedintiisa.
“Waxay ila tahay in ay helaan dhul wanaagsan, cusub oo qurux badan. Waxaan heli doonnaa dad lacago ku bixiya si loo dhiso oo loo quxiyo loogana dhigo meel dagi karo isla markaana guryo ah.” Ayuu Trump u sheegay wariyaasha.