Miyuu David Raya Diyaar U Yahay Kulanka Man City?

0
4

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mikel Arteta ayaan wali hubin in David Raya uu taam u noqon doono kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Man City Axada.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu dhaawac ku seegay kulankii Girona ee champions League.

Arteta ayaa diiday inuu shaaca ka qaado nooca dhaawaca 29-sano jirka ah ka dib guushii 2-1 ee ay ka gaadhay kooxda Girona kulan ka tirsanaa champions League.

Khamiistii Arsenal ayaa rajo ka muujiyay in uu Raya ku soo laaban doono shaxda kooxda laakiin Jimichii ayuu rajo yar ka muujiyay taam ahaanshaha xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here