Duqa Istanbul oo maxkamad la soo taagay

0
29

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Duqa mucaaradka ka tirsan ee magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu, ayaa si adag u cambaareeyay waxa uu ugu yeeray “cadaadis dhanka garsoorka ah” oo lagu hayo, iyadoo kumanaan taageerayaashiisa ah ay caddaalad ka dalbanayeen maxkamadda horteeda.

Imamoglu, oo ah ninka ugu weyn ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan kaga soo horjeeda dhinaca siyaasadda, ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu warbixin siiyay xeer ilaalinta, taasoo la xiriirtay laba baaritaan oo lagu furay horraantii bishan.

Waxa uu sidoo kale wajahayaa dhowr dacwadood oo kale oo sharci ah.

“Waxaan la kulmeynaa cadaadiskii garsoor ee ugu darnaa ee ka jira Istanbul,” ayuu u sheegay taageerayaashiisii isku soo baxay, isagoo dul taagan saqafka sare ee bas, kaddib markii uu ka soo baxay maxkamadda Caglayan ee Istanbul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here