Jowhar(Idaacadda Isnaay) Wafdi kasocda Guddiga Madaxa-bannaan ee doorrashooyinka Qaranka iyo Soodimaha ayaa soo gaaray caasimada Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar waxaana garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere kusoo dhaweeyay Madaxa Xafiiska Guddiga Doorashada Hirshabeelle Mudane Maxamed Xuseen Maxamuud.
Xubnaha Guddiga ee shaqada u yimid waxaa hoggaaminayay Mudane Cabdi Caddoow Maxamed.
Masuuliyiintan ayaa loo soo gelbiyay Xarunta Madaxtooyadda halkaasi oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Warbixintaan waxaa inoo soo Jeedinaya:- Xaliima Cali Ibrahim.