Jowhar (Isnaay Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan-doceedyo miro-dhal ah la yeeshay madax kala duwan oo ka qeybgalay Shirweynaha Tamarta Afrika ee ka socda Magaalada Daaru-Salaam ee dalka Tanzania.
Madaxweynaha ayaa la kulmay Madaxweynaha Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga istiraatiijiga ee arrimaha Bulshada Bariga Afrika.
Warbixintaan waxaa inoo soo Jeedinaya:- Xaliima Cali Ibraahim.