Trump oo ku dhawaaqay in la xakameynayo Muhaajiriinta aan heysanin sharciga Mareykanka

0
9

Jowhar (Idaacadda Isnaay) –Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Isniintii, Madaxweyne Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay amarro fulineed oo badan oo la xiriira socdaalka, taasoo u gogol xaareysa dadaal ballaaran oo lagu xakameynayo muhaajiriinta aan sharciga haysan ee Mareykanka

In ka badan 21 tallaabo, Trump waxa uu u dhaqaaqay in uu dib u habayn ku sameeyo qaybo ka mid ah nidaamka socdaalka ee Maraykanka, oo ay ku jiraan sida muhaajiriinta loo maarayn lahaa oo looga musaafurin lahaa Maraykanka.

Aqalka Cad ayaa tan iyo markaas shaaciyay qaar ka mid ah dadaalladan. Jimcihii, Xoghayaha cusub ee saxaafadda Aqalka Cad ayaa la wadaagay sawirrada duullimaadyada masaafurinta ee ay fulinayaan diyaaradaha xamuulka qaada ee milatariga.

In kasta oo Trump uu ballan qaaday “masaafurin ballaaran” iyo xarig, weli ma cadda inta uu la eg yahay qorshihiisa hadda la hirgeliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here