Wasiirka Arimaha Gudaha XFS oo shir guddoomiyay Kulan lagu soo bandhigayay Waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle.

0
3

Jowhar-(Isnaay Radio)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh ) ayaa shir gudoomiyay kulan lagu soo bandhigaayay waxqabadka Wasaaradda Arimaha Gudaha Hirshabeelle ee Sanadkii tagay 2024 iyo waxyaabaha Hortabinta u leh Wasaaradda Sanadkaan cusub ee 2025 .

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan Maxamed Cajiib , Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabelle Abdi Dahir Guure Karoore Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda , Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe iyo kan Degmada Jowhar , qeybaha kala duwan ee bulshada sida Odayaasha dhaqanka , Dhalinyarada iyo Haweenka .
Warbixintaan waxaa inoo soo jeedinaya: Cabdifitaax axmed Maclow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here