Jowhar-(Isnaay Radio)- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa waxa ay deeq gargaar raashin ah degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ugu qeybisay qoysas ka kooban danyar iyo kuwa naafo ah.
Gargaarkaan ayaa waxaa ka faa’iideeystay 1,000 qof, waxaana hore sidaan oo kale hay’adda SoDMA qoysas naafo ah iyo kuwo danyar ah ay raashin ugu qeybisay degmooyinka gobolka banaadir.
Agaasimaha gargaarka ee dagmada Deyniile ayaa u mahadnaqay Hay’adda SoDMA, isagoo sheegay in gargaarkan oo ku soo aadday xilli ay baahi badan u qabeen ayna uga mahadnaqayaan gurmadka joogtada ah iyo caawinta ay la garab joogaan dadka jilicsan hoggaanka SoDMA.