Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxwenaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidi shalay shegay, in ay aad ugu badantahay in uu barta bulshada ku xiriirto ee TikTok siin doono muddo 90-cisho ah, xilli lagu wado in maanta oo Axad ah uu gudaha Mareykanka ka dhaqan galo amar shuruud lagu xiray oo maxkamadahu ay aaladdan uga mamnuuceen in ay ka shaqeyso guud ahaan Mareykanka.
TikTok ayaa gudaha Mareykanka ku leh ilaa 170 milyan oo macmiil kuwaas oo adeegsada aabka shirkaddan laga leeyahay dalka Shiinaha.
Wareysi uu siiyay telefishanka NBC ee dalkaan Mareykanka, ayuu Trump ku yiri “90 maalin oo dheeraad ah ayay u badnaan doontaa in la siin doono, sababtoo ah waa waxa ugu habboon. Haddii aan taasi go’aansanno waxay u badnaan doontaa inaan ku dhawaaqo Isniinta.”