Madaxweynaha Faransiiska oo booqday Lubnaan

0
41

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Faransiiska ayaa booqasho ku tagay Lubnaan si uu u taageero dib-u-dhiska dalkaasi, kaddib colaaddii Xisbullah iyo Isra’il.

Emmanuel Macron ayaa Jimcihii shalay ku dhawaaqay shir caalami ah oo ay Paris martigelin doonto toddobaadyada soo socda, kaas oo diiradda lagu saari doono dib-u-dhiska Lubnaan kadib burbur ba’an oo ka dhashay dagaalkii u dhexeeyay Xisbullah iyo Israel.

Macron, oo shir jaraa’id ku qabtay qasriga madaxtooyada ee Beirut isaga iyo Madaxweyne Jozaf Cown, ayaa sheegay in beesha caalamka ay tahay inay ka shaqeyso taageerada dib-u-dhiska

Macron ayaa sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo dhaqan geliyo qodobada heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Xisbullah iyo Israel. Wuxuu sheegay in heshiiska uu horumar keenay, balse uu baahan yahay in la dedejiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here