Imran Khan oo lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah

0
31

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maxkamad ku taal Pakistan ayaa Jimcaha maanta ah ku heshay ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo xaaskiisa Bushra Bibi kiis musuq-maasuq oo taariikhi ah, waxayna Khan ku xukuntay 14 sano oo xarig ah.

Khan ayaa xabsiga lagu hayay tan iyo bishii Agoosto 2023, waxaana lagu eedeeyay ku dhawaad 200 oo kiis balse xisbigiisa ayaa ku andacoonaya in xukunkii ugu dambeeyay loo adeegsaday in lagu cadaadiyo inuu ka baxo siyaasada.

Maxkamadda la-dagaalanka musuq-maasuqa ayaa isugu timid xabsiga uu Khan ku xiran yahay ee ku dhow caasimadda Islamabad, waxaana ay ku xukuntay lamaanahan dambiyo lagu soo oogay oo xiriir la leh hay’ad samafal oo ay si wadajir ah u aas-aaseen oo lagu magacaabo Al-Qadir Trust.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here