Trump oo isku dayaya inuu badbaadiyo TikTok

0
25

JOwhar – ( Radio Isnaay ) – Waltz oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, isla markaana ah xulashada madaxweynaha la-doortay Donald Trump ee la-taliyaha amniga qaranka, ayaa Arbacadii sheegay in madaxweynaha cusub uu sahminayo siyaabo TikTok ay uga sii jiri karto Mareykanka.

Waltz ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyey weriyaha Fox News Bret Baier, kadib markii Baier uu waydiiyay warbixin lagu daabacay The Washington Post oo sheegtay in Trump uu ka fakarayo inuu soo saaro amar madaxweyne si uu hakad u geliyo dhaqan-gelinta sharci federaal ah oo laga yaabo inuu ka mamnuuco TikTok guud ahaan dalka Axadda soo socota.

Todobaadkii hore, Maxkamadda Sare ayaa dhageysatay doodaha sharci ee dacwad ay gudbiyeen TikTok, shirkadda leh ee ByteDance ee Shiinaha, iyo dadka isticmaala.

Garsoorayaasha ayaa u muuqday kuwo ay u badan tahay inay taageeraan sharcigaas, kaas oo shirkadda ByteDance ku amraya inay iibiso TikTok sababo la xiriira amniga qaranka, haddii kale ay wajihi doonto in laga mamnuuco Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here