Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xarunta Saadaasha Cimilada ee IGAD ayaa sheegtay in gobolka Bariga Afrika uu wajihi doono xaalado qalleyn ah oo aan caadi ahayn inta u dhaxeysa bilaha January iyo March 2025.
Saadaasheeda ay toddobaadkan soos aartay, ayay ku sheegtay in dalalka Itoobiya, Uganda, Rwanda, Kenya, Brundi iyo Tanzania ay saameyn doonto abaar.
Gobolka ayaa sidoo kale wajihi doona heer-kul aan caadi ahayn xilli-roobaadka January ilaa March 2025.
Sida ay sheegtay xaruntu, gobolka dhexdiisa, keliya koofur-galbeed Tanzania iyo koofur-galbeed Uganda ayaa heli doona roob aan caadi ahayn inta muddadaas lagu jiro.