Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa ee Kuuriyada Koonfureed ayaa aroornimadi hore ee Jimcaha maanta ah ku dhaqaaqday, fulinta waaran lagu soo xirayo madaxweynaha xilka laga xayuubiyay ee Yoon Suk Yeol.
Durbaba boqolaal taageerayaashiisa ah ay isugu soo baxay bannaanka hore ee gurigiisa oo ku yaala magaalada Seoul. Taageerayaashiisa ayaa isku dayay in ay hor istaagaan ciidamada doonaya in ay xiraan madaxweynihi hore, hase yeeshee saraakiisha ayaa jiiray oo gudaha u galay aqalka madaxweynihi hore.
Balse, waxaa ka hor yimid ilaalada gaarka ah ee Yoon, kuwaas oo diiday in la xiro. Qareenka Yoon Suk Yeol ayaa bayaan uu saakay soo saaray ku sheegay, in in waaranka lagu soo xirayo uusan sharci aheyn isla markaana ay tallaabo sharci ah qaadi doonaan.