Aqalka Wakiillada Maraykanka oo tartan adag ka taagan yahay hoggaamintiisa

0
35

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maanta oo ah maalinta ugu horreysa ee Kongareeska 119-aad ee Mareykanka, indhaha oo dhan waxay ku jeedaan codbixinta lagu dooranayo Afhayeenka Aqalka Wakiillada.

Mike Johnson ayaa wajahaya tartan adag iyo khilaaf gudaha Xisbiga Jamhuuriga ah haddii uu doonayo inuu sii hayo hoggaanka.

Madaxweynaha la doortay, Donald Trump, ayaa taageero u muujiyay sharci-dajiyaha Louisiana, laakiin weli ma cadda in Johnson uu haysto codad ku filan oo uu ku sii ahaado Afhayeen.

Haddii dhammaan xubnaha ay joogaan oo aysan cidina ka maqnaan codbixinta, Johnson wuxuu wejayahayaa xaalad adag haddii hal cod oo keliya oo uu lumiyo xagga Jamhuuriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here