Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Diyaarad siday 181 qof oo rakaab ah ayaa ku burburtay garoon diyaaradeed oo ku yaalla dalka Kuuriyada Koonfureed, waxaana ku dhintay ugu yaraan 120 qof, sida ay sheegeen saraakiisha dab damiska ee dalkaasi.
Wakaalada wararka ee Yonhap ayaa sheegtay in diyaarada ay ka soo kacday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan waxayna ku dhacday darbiga garoonka diyaaradaha ee Muan International Airport ee ku yaala koofur galbeed ee dalkaasi.
Diyaarada Jeju Air oo siday 175 rakaab ah iyo 6 shaqaale ah ayaa ka soo laabatay magaalada Bangkok ee dalka Thailand, waxayna burburtay xili ay soo caga dhigatay saacadu markay ahayd 09:00 subaxnimo xiliga gudaha dalka Thailand.