Jowhar – ( Radio Isnaay )- Ugu yaraan 69 qof ayaa ku dhintay oo 25 ka mid ah u dhasheen Mali kaddib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha dalka Morocco sidaasina waxaa xaqiijiyay dowladda Mali.
Doonta waxaa sarnaa rakaab gaaraya 80 qof, waxaana ka badbaaday 11 qof sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowlada Mali. 9 ka mid ah dadka la soo badbaadiyay waxay u dhasheen Mali.
Doonta ayaa badda ku degtay toddobaadkii la soo dhaafay balse dowladda Mali waxay xaqiijisay shilkan shalay oo khamiis aheyd. Koox gurmadka degdega ah ayaa loo diray si ay xaalada ula socdaan.
Shaqo la’aanta iyo saameynta isbeddelka cimilada ay ku keentay beeraha ayaa ku qasbay dadka in ay nolol fiican ka raadsadaan Yurub.