Jowhar – ( Radio Isnaay )- Duufaanta Chido ayaa 94 qof ku dishay Mozambique tan iyo markii ay ku dhufatay dalka ku yaalla bariga Afrika todobaadkii hore, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah.
Machadka Qaranka ee Khatarta iyo Maareynta Musiibooyinka (INGD) ayaa sheegay in 768 qof ay ku dhaawacmeen in ka badan 622,000 oo qofna ay saameysay masiibada dabiiciga ah qaybo ka mid ah dalkaas.
Chido ayaa Mozambique 15kii Diseembar ku dhufatay iyadoo dabaylo xooggan oo 260 kiilomitir saacaddiisa iyo 250 milimitar oo roob ah 24-kii saac ee ugu horreeyay.
Duufaantan oo kale ayaa markii ugu horreysay burbur xooggan ka geysatay dhulka badweynta Hindiya ee Faransiiska ee Mayotte, ka hor inta aysan u gudbin Mozambique, Malawi iyo Zimbabwe.