Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa meel mariyay sii wadista qarashaadka ku baxa dowladda Mareykanka illaa bisha Maarso.
Labada aqal ee Koongareeska oo Aqalka Wakiillada ay maamulo Xisbiga Jamhuuriga iyo Senatka oo uu Cisbiga Dimuqraadigu maamulo ayay ahayd inay ansixiyaan sharcigan si looga fogaado in shaqadii dowladdu ay istaagto.
Madaxweyne Joe Biden ayaa Jimcihii sheegay in uu taageersan yahay sharciga oo uu saxiixi doono si uu meelmar u noqdo.
Marka uu ansixiyo, sharciga ayaa maalgelin doona dowladda illaa bisha Maarso, waxaana uu siin doonaa ilaa $ 100 bilyan oo loogu talagalay gargaarka musiibooyinka, iyadoo $ 10 bilyan la siin doono beeralayda. Sharcigan ayaan kor u qaadeynin xadka deyn qaadashada federaalka.
Codeynta oo ay 85 senator oggolaadeen halka 11 Senator ay diideen ayaa timid ka dib markii Golaha Wakiilada, laba isku day oo fashilmay ka dib, ay ansixiyeen sharciga.