Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ra’iisul wasaaraha Albania ayaa ku dhawaaqay in dowladdu ay damacsan tahay inay xannibto isticmaalka TikTok muddo hal sano ah ka dib markii la dilay arday iskuul dhiganaysay bishii hore taasoo keentay cabsida laga qabo saameynta baraha bulshada ay ku leeyihiin carruurta.
Isagoo hadlayay Sabtidii Edi Rama wuxuu ku dhawaaqay mamnuucida la soo jeediyay inay bilaabaneyso Janaayo.
TikTok waxay sheegtay inay dawladda Albania ka raadinayso caddayn degdeg ah oo ku saabsan mamnuucidda la soo jeediyay.
Barta bulshada ee TikTok ayaa BBC-da u sheegtay in aysan helin wax caddayn ah oo la xiriira qofka la sheegay in uu tooriyeeyay wiilka 14 jirka ah, ama dhibbanaha laftiisa, uu lahaa akoonnada TikTok.