Saddex Saxiix Oo Ay Man City U Dhaqaaqi Doonto Suuqa January.

0
3

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Suxufiga lagu kalsoon yahay ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in Manchester City ay doonayso inay soo gabagabayso heshiisyo badan bisha January ee soo socota.

Romano ayaa sheegay in Manchester City ay si firfircoon uga shaqeyn doonto January si ay u xoojiso safkeeda.

Warku wuxuu intaa ku daray in Manchester City ay doonayso inay la soo wareegto weeraryahan, khadka dhexe, iyo daafac bidix.

Waxaa xusid mudan in Manchester City ay la ildaran tahay natiijooyin niyad jab ah oo is daba joog ah toddobaadyadii la soo dhaafay.

Guardiola ayaa la siin doonaa lacag uu ku xoojiyo kooxdiisa si uu u badbaadiyo xilli ciyaareedka kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here