Maamulka Suuriya oo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda

0
32

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa maanta oo Sabti ah warisay in maamulka cusub ee dalkaaso uu magacaabay wasiirka arrimaha dibadda iyagoo doonaya in ay dhisaan xiriir caalami ah laba toddobaad kaddib markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-asad.

Taliska guud ee talada haya ayaa Ascad Xasan al-Shibani u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda, sida ay SANA warisay.

Ilo ka tirsan maamulka cusub ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in tallaabadani “ay ka timid rabitaanka shacabka Suuriya ee ah in ay abuuraan xiriir caalami ah oo keena nabad iyo xasillooni”.

Shibani, oo ah 37 jir, ka qalin jabiyay Jaamacadda Dimishiq, ayaa horay u soo hoggaamiyay waaxda siyaasadda ee dowladda ay fallaagadu ka dhistay gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed ee Suuriya, sida uu sheegay taliska guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here