Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa Talaadadii sheegay in loo baahan yahay maamul loo dhan yahay oo ka hirgala dalka Suuriya kadib markii xilka laga tuuray madaxweyne Bashaar Al-Asad.
Erdogan ayaa ugu baaqay Midowga Yurub in ay taageeraan dib u soo celinta dadka Suuriyaanka ah ee ka qaxay dagaalada sokeeye ee dalkaas ka socda 13-kii sano ee la soo dhaafay.
Hadalkan ayuu ka sheegey shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen oo ku sugan magaalada Ankara.
Dowladaha reer galbeedka ayaa si tartiib tartiib ah u furaya wadiiqada maamulka cusub ee Dimishiq ee ay hogaaminayaan kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham.