Hogaamiyaha Suuriya oo sheegay in uusan xilligan dooneyn dagaalka Israel

0
44

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hogaamiyaha Suuriya, Ahmad al-Sharaa ayaa Sabtidii sheegay in Israa’iil ay adeegsanayso marmarsiiyo been abuur ah, si ay ugu qiil raadiso weerarrada ay ku hayso Suuriya, laakiin uusan dooneyn in uu galo dagaal cusub, iyadoo waddanka uu diiradda saarayo dib u dhiska ka dib dhammaadka xukunkii Bashaar Al-Asad.

Sharaa – oo loo yaqaan Abu Mohammed al-Golani – ayaa hogaamiya kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ee xukunka ka tuuray Assad todobaadkii hore, taasi oo soo afjartay xukunkii qoyska ee 50-ka sano gacanta birta ah ku maamulayay Suuriya.

Israa’iil ayaa tan iyo markaas u dhaqaaqday aagga ka caaggan militariga ee gudaha Suuriya oo la abuuray ka dib dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1973-kii, oo ay ku jirto dhinaca Suuriya ee buurta istaraatiijiga ah ee Hermon ee dusha sare ka eegeysa Dimishiq, halkaas oo ay la wareegtay goob milatari oo Suuriya ah oo la dayacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here