Madaxweynihii Koonfurta Kuuriya oo si rasmi ah looga mamnuucay xafiiska

0
53

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Yoon Suk Yeol, ayaa si rasmi ah waxaa looga mamnuucay dhamaan shaqooyinkii uu ka hayay xafiiska ugu sarreeya dalkaas, markii ay ahayd 1:24 daqiiqo xilliga geeska Afrika sida uu baahiyay xafiiskiisu.

Maanta ayaa baarlamaanka dalkiisu ka xayuubiyeen xilkii madaxweynenimo ee uu u hayay dalkiisa.

Xilka ayaa haatan waxaa la wareegay ra’iisul wasaaraha dalka, Han Duck-soo.

Khudabadii ugu horeysay ee uu jeediyay madaxweynaha sida kumeelgaarka ah talada dalka u hayn doona ayaa waxa uu ku sheegay, in uu awoodda saaari doono “sidii uu xaalka u dajin lahaa”iyo “in uu jawiga dadka sidii caadiga ah ugu soo celin lahaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here