Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dawladii Suuriya ayaa burburtay subaxnimadii hore ee saaka kadib duulaan deg deg ah oo ay kooxaha mucaaradku ku qabsadeen magaalada caasimada u ah dalkaasi ee Dimishiq.
Dadweyne badan ayaa jidadka isugu soo baxay si ay ugu dabaal degaan dhicitaanka qoyska al-Assad oo dalkaasi muddo konton sanno ah xukun adag ku soo maamulayay.