Qatar oo dib u billowday dhex-dhexaadinta Xamas iyo Israel

0
35

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Qatar ayaa dib u billowday doorkeeda dhex-dhexaadinta ee dadaalka lagu doonayo in xabad-joojin lagu dhex dhigo Israel iyo Xamaas ka dib markii muddo kooban ay hakisay, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen wakaalada wararka ee AFP Khamiista maanta ah.

Ilo-wareedka oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in Qatar, oo bishii hore hakisay dhex-dhexaadintii xabad joojinta Gaza, ay hadda “ku soo laabatay dhex-dhexaadinta”, isaga aan wax faahfaahin ah ka bixin shirarkii ugu dambeeyay ee ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Qatar ayaa hakisay dhex-dhexaadinta horraantii November, ayada oo sheegtay in tallaabadani ay u qaadday sababo ay ku sheegtay niyad jabka ka dhashay horumar la’aanta dadaallada.

Waxay xilligaas sheegtay in aysan miiska wadahadalka ku soo laaban doonin ilaa ay niyad wanaagsan oo ku qotoma wadahadallada la imanayaan Xamas iyo Israel.

Dalkan yar ee hodonka ah ee ku yaalla khaliijka Carabta ayaa ka barbar shaqaynayay Maraykanka iyo Masar muddo bilo ah, iyaga oo riixayay wadahadalo aan miro dhal noqon kuwaas oo u dhaxeeyay dhinacyada isku haya Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here