Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ururka dhakhaatiirta Kenya ayaa soo saaray ogeysiis ay ku sheegayaan in ay 21 maalmood shaqada joojinayaan taas oo si rasmi ah u bilaabaneysa 22-ka desember hadii aysan dowladda hirgelin heshiiskii shaqaalaha ee 2017-kii.
Ku dhawaad 4,000 oo dhakhaatiir ah oo ka shaqeeya isbitaalada dowladda Kenya ayaa shaqada joojiyay 14-kii Maarso ee sanadkan kuwaas oo ka cabanayay in dowladda ka caga-jiideyso in ay siiso dhakhaatiirta xaalad shaqo oo fiican iyo tababaro. Shaqo joojinta ayaa laga noqoday 56 maalmood kaddib markii la ogolaaday dalabkooda 8-da May.
Ilaa iyo hadda dowladda ma hirgelin heshiiskii la gaaray ee keenay in shaqadooda ay ku soo laabtaan dhaqaatiirta.