Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Warbixin uu soo saaray Machadka Caalamiga ah ee Nabadda iyo Cilmi-baarista ee dalka Sweden maanta oo Isniin ah, ayaa lagu sheegay in uu korar baaxad lihi ku yimid kala iibsiga hubka iyo qalabka militariga ee caalamka intii ay dagaaladu ka socdeen dalka Ukraine, magaalada Gaza iyo waliba meelo kale oo dunida ah.
Shirkadaha ugu waa weyn ee soo saaraha qalabka militariga ayaa wax soo saarkooda kor u qaaday sanadkii hore, waxana warbixinta lagu sheegay in 100-ka shirkadood ee ugu waaweyn ay sameeyeen dakhli dhan $632 billion, tiradaasi oo muujinaysa inuu wax soo saarkoodu kordhay 4.2%.