28 Qof oo ku dhimatay ciid ku soo duntay dalka Uganda

0
34

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Meydadka labo wiil oo saddex jir ah ayaa ka mid ahaa kuwa laga soo helay dhoobada bariga Uganda, waxayna taas ka dhigtay tirada dadka ku dhintay toddobaadkii la soo dhaafay 28 qof sida ay boolisku sheegeen.

Ciidda soo duntay waxay ku dul habsatay dhowr tuulo iyadoo tobaneeyo qof weli la la’ayahay. In ka badan 100 qof ayaa laga baqayaa in ay ku jiraan dhinacyada buurta Elgon oo ku taal xadka Uganda iyo Kenya oo ku dhawaad 300 oo kilomitir kaga beegan bariga caasimadda Kampala.

Ilaa iyo bishii Oktoobar waxaa halkaas ka da’ay roobab aan caadi aheyn oo keenay daadad iyo in ciidda buuraha ay soo dumaan qeybo ka mid ah Uganda.

Ururka Laanqeyrta Cas ee Uganda ayaa sababta dhibaatadan ku sheegay in ay ka timid isbeddelka cimilada iyo saameynteeda.

Goobta ay wax ka dhaceen waxa ay ku dhowdahay halkii ay ka dhacday musiibadii tan la midka aheyd ee sababtay dhimaashada ilaa iyo 80 qof sanadkii 2010-kii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here