Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Doorasho ayaa ka socota Namibia, taas oo noqon karta tii ugu tartanka adkayd tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Koonfur Afrika oo caddaan maamulayay 34 sano ka hor.
Netumbo Nandi-Ndaitwah ayaa isku dayaysa inay noqoto madaxweynihii ugu horreeyay ee haween ah ee dalkaas.
Waxay ku tartameysaa magaca xisbi xaakinka, Ururka Dadka Koonfur-Galbeed Afrika (Swapo), si ay u beddesho Hage Geingob, oo geeriyooday bishii Febraayo kadib sagaal sano oo uu xafiiska joogay.
Hase yeeshee, shaqo la’aanta baahsan, saboolnimada, sinaan la’aanta iyo eedeymaha musuqmaasuqa ayaa taageerada xisbigaas hoos u dhigaya.
Namibia waxaa hadda si ku-meel-gaadh ah u maamula Madaxweyne Nangolo Mbumba, oo xilka la wareegay bishii Febraayo kadib geeridii Hage Geingob, hase yeeshee ma uusan isa soo sharraxin doorashadan.