Zelenskiy oo sheegay in uu rajo wayn ka qabo in Trump uu dagaalka soo afjaro

0
40

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in dagaalka ay kula jiraan Ruushka uu “dhakhso u dhammaan doono” marka ay howgasho xukuumadda Trump.

Zelenskiy waxa uu sheegay in uu khadka taleefoonka kulan kula yeeshay madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump.

Trump ma uusan sheegin shuruudo gaar ah oo lagu xirayo wadahadal lala galo Ruushka, balse waxa uu sheegay Zelenskiy in mowqifka Trump uu la mid yahay kan Ukraine.

Trump ayaa marar badan sheegay in muhiimadiisa ay tahay joojinta dagaalka.

Ruushka ayaa weeraray Ukraine bishii Febraayo 2022 kii. Madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa dhaliilay kaalmada uu dalkiisu siiyo Ukraine, isagoo sheegay in dagaalka Ukraine uu wiiqayo awoodaha Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here