Dowladda Netherland oo ka badbaaday qalalaaso siyaasadeed

0
30

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ra’iisul Wasaarada dalka Holland Dick Schoof ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka badbaaday qalalaase siyaasadeed, kaddib marki ay Jimcihi shalay is casishay wasiirkii maaliyadda, sababo la xiriiray caro ay ka qaadday qaabka ay dowladda u maareysay rabshadihi ka dhashay taageerayaal dhinaca kubadda cagta oo isugu gacan qaaday magaalada Amesterdam todobaadki hore.

Nura Ashahbar, oo aheyd Wasiirki Maaliyadda, isla markaana ah gabadh asal ahaan kasoo jeeda Morocco balse heysata dhalashada Netherlands ayaa Jimcihi si lama filaan ah u gudbisay iscislaadeedda.

Afar ka mid ah xisbigeeda NSC ee siyaasaddiisu dhex-dhexaadka tahay ayaa iyaguna wacad ku maray in ay is casili doonaan, arrintaasi ayaa keentay in kulan deg deg ah ay isugu yimaadaan golaha wasiirrada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here