Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweyne Joe Biden ayaa Jimcihii bogaadiyay iskaashiga u dhexeeya dowladaha Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, si looga hortago wax uu Biden ku tilmaamay khatarta iyo iskaashiga ku dhisan xasillooni-darrida ee ka dhaxeeya Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa hadalkan ka sheegay kulan doceed uu Jimcihi shalay dalka Peru kula yeeshay Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol iyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Shigeru Ishiba.
Mas’uuliyiintan ayaa Peru u jooga ka qeybgalka shir-madaxeedka iskaashiga dhaqaalaha ee Aasiya iyo Baasifiga. Waxana wadahadalladi shalay ay imanayaan xilli uu jiro walaac xoog leh oo laga qabo iskaashiga millatari ee sii kordhaya ee u dhaxeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.