Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka cabsi qabto in Lisandro Martinez uu muddo dheer garoomada ka maqnaado kadib dhaawac sinta ah oo soo gaadhay taas oo keentay in laga saaro waajibaadka xulka qarakiisa.
Warar soo baxay shalay ayaa shaaca ka qaaday in 26-sano jirkaan uu ka baxay waajibaadka xulka qarankiisa ka hor inta uuna xitaa ka qayb qaadan tababarka waxana uu ku laabtay magaalada Manchester.
Martinez ayaa jug soo gaartay kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Leicester City axadii, laakiin wuxuu u ciyaaray xanuunka wuxuuna dhameystiray 90 daqiiqo.
Xiddiga ayaa la sheegayaa in uu dhaawacu yahay mid halis ah isla markaas muddo garoomada ka maqnaan doono.
Xiddiga ayuu shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa Ipswich Town kulanka Premier League ee kadib fasaxa xulalka.