TikTokero lagu eedeyay inay aflagaadeeyeen madaxweynaha Uganda oo xabsiga la dhigay.

0
53

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Laba nin oo u dhashay dalka Uganda ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay inay aflagaado u geysteen Madaxweyne Yoweri Museveni, marwada koowaad ee Museveni iyo wiilka uu dhalay madaxweynaha Gen Muhoozi Kainerugaba muuqaal lagu baahiyay barta TikTok.

David Ssengozi oo 21 jir ah oo loo yaqaano Lucky Choice iyo Isaiah Ssekagiri oo 28 jir ah ayaa lagu eedeeyay in ay barta TikTok ku baahiyeen macluumaad ujeedka laga lahaa uu yahay in ay “ku jeesjeesaan, liidaan, sidoo kalana cadaawad u abuuraan” qoyska koowaad ee haya talada dalka iyo qoysas kalaba.

Garsooraha maxkamadda ayaa ogolaaday in xabsiga lagu sii hayo ragaan ka dib markii ay booliisku sheegeen inay weli wadaan baaritaanno ku saabsan arrintan.

Dowladda Mareykanka ayaa warbixin ay sannadkii hore soo saartay ku eedeysay dowladda Uganda inay xaddidayso xorriyadda internetka iyadoo adeegsanaysa ciqaabo dambi ka dhalan karo.

Kooxaha xuquuqda aadanaha udooda ayaa sidoo kale si joogta ah u dhaleeceeya mas’uuliyiinta dowladda Uganda oo ay ku eedeeyeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xorriyatul qawlka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here