Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay laba musharax midkood u dooran karto bedelka agaasimaha ciyaaraha ee kooxda u baneyay Edu Gaspar.
Labada shaqsi waxay yihiin halyeeyo hore ugu soo ciyaaray kooxda Gunners, kuwaasoo wax badan soo kordhin kara.
Kooxda ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Edu uu is casilay isla markaana uu baxay Isniintii lasoo dhaafay.
War qoraal ah oo kooxdu baahisay ayaa lagu yiri: “Waxaan uga mahadcelineynaa Edu doorka uu ka qaatay istaraatiijiyada kubada cagta iyo dib u dhiska kooxda.
Jason Ayto ayaa si ku meel gaar ah u sii haya shaqada, halka madaxda Arsenal ay ka go,an tahay in la helo bedelka joogtada ah ee Edu.