Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha Man United iyo chelsea ayaa ku kala baxay bar-baro kulan ka tirsanaa horyaalka premier league.
Kulanka oo ka dhacay Old Trafford ayaa ahaa mid isku dheelitiran iyada oo ayna kooxna ka awood badnayn kooxda kale.
Labada kooxood ayaa is dhaafsanayay fursadaha iyada oo mid walba doonaysayn in ay gool ka dhaliso mida kale.
Labada kooxood ayaa bar-baro gool la’aan ah ku kala baxay qaybta hore ee ciyaarta inkasta oo ay labada kooxoodba heleen fursado.
Qaybtii dambe ayay kooxda Man United Heyshay rikoodhe daqiiqadii 70-aad waxana rikoodhada gool u badalay xiddiha Burno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Laakiin chelsea ayaa isla markiiba ka jawaabtay iyada oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Moises Caicedo kaas oo ciyaarta ku soo celiyay 1/1.
Kooxaha ayaa sii waday fursadaha ay samaynayaan iyaga oo doonayay goolal kale.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1.