Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Jilaaga Maraykanka ah, Harrison Ford, ayaa sheegay inuu u codeeynayay 64 sano laakiin “waligiis uusan jeclayn inuu wax badan ka hadlo”.
Waxa uu ku dhex jiray muuqaal ay Sabtidii baahiyeen kooxda ololaha ee Kamala Harris, in kasta oo, xiddigan ka soo jeeda Indiana Jones uu bixiyay hadal siyaasadeed naadir ah.
“Marka tobanaan ka mid ah xubnihii hore ee maamulka Trump ay ku qeylo dhaaminayaan ‘Ilaaheey dartiis, mar kale ha samaynina sidii waagii hore oo kale,’ waa inaad fiiro gaar ah u yeelataan arrinka. Waxay noo sheegayaan wax muhiim ah,” ayuu yiri.
“Waxaan leeyahay hal cod, oo la mid ah kan qo fkasta oo kale, waxaanan u isticmaali doonaa horay u socod. Waxaan u codeynayaa Kamala Harris.”