Mucaaradka Turkey oo ku baaqay dibad-bax Xooggan.

0
46

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xisbiyada mucaaradka Turkey ayaa Khamiista maanta ku baaqay dibad-bax ka dhan ah wax ay ku sheegeen xarig siyaasad ay ka dambeyso oo loo gaystay duq magaalo oo lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay kooxda la mamnuucay ee Kurdiyiinta ee PKK.

Dhowr boqol oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay fiidnimadii Arbacada bannaanka maxkamadda Istanbul, halkaasi oo Ahmet Ozer, duqa degmada Esenyurt ee Istanbul, lagu soo oogay dacwado, dhowr saacadood ka dib markii la xiray.

Ozer waxa uu ka tirsan yahay xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP, kaas oo cambaareeyay eedeymaha, kuna tilmaamay “mid aan sal iyo raad lahayn”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here