Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 158 qof ayaa ku dhintay musiibadii ugu xumeed ee fatahaadaha ku dhuftay Spain, iyadoo uu socdo gurmad lagu badbaadinayo dadka wajahaya xaaladaha halista ah ee dalkaasi ka taagan.
Khamiistii, in ka badan 1,200 shaqaale, oo ay caawinayaan diyaaradaha drones-ka, ayaa loo diray howlgalka badbaadinta ee ka socda qaybo ka mid ah dalka.
“Waayo-aragnimada ugu muhiimsan hadda waa in la badbaadiyo intii suurtagal ah dadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Pedro Sánchez, xilli uu booqanayay goobaha daadadku ay aadka u saameeyeen.
Waxaa jira meydad ku hoos jira dhismahayaasha daadadku burburiyeena, iyadoo fatahaadihii ugu darnaa ay dhaceen Talaadadii aan soo dhaafnay.