Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay heshiis cusub ka saxiixatay mid ka mid ah xiddigaha da’yarka ah ee u soo kacaya kooxda.
Barcelona ayaa xiddiga ka saxiixatay heshiis dhacaya ilaa sanadka 2029 si uu kooxda u sii joogo 5-ta sano ee soo socota.
Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddigaha ugu muhiimsan kooxda isla markaas ku jira qaab ciyaareedka fiican.
Xiddiga khadka dhexe ee Fermin Lopez ayaa ah xiddiga ay kooxda Barcelona ka saxiixatay heshiiska cusub kadib qaab ciyaareed fiican oo uu soo bandhigay.
Kooxda Barcelona ayaa heshiiska xiddiga ku xidhay lacag dhan 500 milyan oo euro oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa kooxda.