JOwhar – ( Radio Isnaay ) – Sidee baynu u noolaandoonaa an bur la’aan? – dadka reer Qasa ayaa ka walwalsan kaalmada cuntada ka dib mamnuucidda hay’adda gargaarka ee UNRWA.
Laanta Carabiga ee BBC-da ayaa la hadashay Falastiiniyiinta ku sugan Marinka Qasa oo ku saabsan go’aanka mamnuucidda hay’adda UNRWA.
“Go’aanka lagu joojiyay Unrwa inay ka shaqeyso Qasa waa mid khaldan, maxaa yeelay waxaan ku tiirsan nahay iyaga, caruurteena waxaa wax lagu baraa iskuulkooda.
“Waxbarashadu waa waxyaabaha ugu muhiimsan. Waxaan rajeynayaa in go’aankan la fulin doonin maxaa yeelay waa khalad.”