Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Baarlamaanka Israel ayaa Isniinti meel mariyay sharci ay dalkeeda uga mamnuucday Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani’aadannimo ee Qaxootiga Falastiiniyiinta, ee loo soo gaabiyo UNRWA.
Go’aankan ayaa walwal geliyay xulufada Reer Galbeedka ee Isra’il, kuwaas oo ka casbi qaba in tallaabadani ay uga sii darto xaaladaha quusta ah ee horay uga taagnaa Gaza, halkaas oo muddo ka badan sannad ay ka socdaan dagaallo, duqeymo iyo go’doomin.
Israeli ayaa ku eedeysay UNRWA in qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay ku lug yeesheen weerarki 7-badi October ay Xamaas ku qaadday Koofurta Isra’il, halkaas oo ay Isra’il sheegtay in lagu qilay in ka badan1,200 oo qof laguna afduubay boqollaal kale.