Tobanaan qof oo ku dhaawacmay boosteejo ku taalla Israa’iil

0
29

JOwhar – ( Radio Isnaay ) – Tobanaan qof ayaa lagu soo waramayaa inay dhaawacmeen kadib markii gaari uu ku dhacay goob basaska laga raaco, waxaana la tuhunsan yahay in dhacdadani ay ahayd weerar ula kac ah oo lala beegsaday bartamaha Israa’iil.

Ugu yaraan afar qof ayaa xaaladoodu aad u liidataa halka kuwa kalena ay weli ku hoos jiraan burburka gaariga oo marayey aagga Glilot ee waqooyiga Tel Aviv.

Boolisku waxay sheegeen in weli baaritaano socdaan, balse warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warantay in falkan uu yahay mid looga shakisan yahay inuu uu weerar ahaa. T

Telefishinada Israa’iil ayaa soo bandhigay booliiska oo xiray goobta ay xaaladdu ka dhacay iyadoo shaqaalaha gargaarka degdega ah ay daweynayaan dadka dhaawacmay, halka diyaarad helikobter ahna ay dul heehaabaysay aagga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here