Lamine Yamal Oo Ku Digtay Real Madrid Kadib Guushii El Clasico

0
37

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga kooxda Barcelona ee Lamine Yamal ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Real Madrid kulankii El-Clasico ee fiidnimadii Sabtida.

Labada kooxood ayaa ku kulmay kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonka Santiago Bernabeu.

Yamal ayaa dhaliyay goolkii 3-aad ee kooxdiisa waxana uu noqday da’yarkii ugu yaraa ee ciyaara kulanka.

Lamine Yamal oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kooxdu aad ayay u faraxsantahay, ugu dambeyntii, tani waxay ka dhigan tahay 3 dhibcood oo dheeraad ah oo horyaalka ah. Marka ay timaado dabaaldega, waxaan jeclahay inaan ku raaxaysto naftayda, taasna waa intaas oo dhan”.

“Waxa ay u muuqdeen kuwo daalan sidaas darteed waxa aan go’aansanay in aan cadaadis saarno, waxa aan ahayn kooxda fiican mar walba waxa aan isku daynaa in aan fiicnaano”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here