Wariyaal lagu dilay dalka Lubnaan.

0
41

JOwhar – ( Radio Isnaay ) – Dibada Seddex weriye oo ka tirsanaa telefishanada Al Manaar iyo Al Mayaadiin ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka oo ay israaiil ka fulisay dhisme ay degan yihiin warfidiyeenka oo ku yaalla dalka Lubnaan.

Weriyayaasha la dilay ayaa kala ahaa muuqaal duube la yiraahdo Gasaan Najaar iyo injineer Maxamed Reda oo labadooduba u shaqeeynayay telefishanka u janjeera Iiraan ee Al Mayaadiin, iyo muuqaal duube kale oo la yiraahdo Wisaam Qaasim oo isna ka tirsanaa telefishanka aadka ugu dhaw Xisbullah ee Al Manaar.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in weerarka sidoo kale ay ku dhaawacmeen seddex qof.

Illaa shan weriye ayaa horey ugu dhintay duqeynta Israa’iil ay ku hayso dalka Lubnaan, waxana ku jiray weriyayaasha horey loogu dilay Isaam Cabdallah oo ka tirsanaa wakaaladda warrarka ee Reuters.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here